Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ay dib uga bilaabato doorashada xildhibaannada aqalka hoose.
Maamulka Puntland ayaa 28-kii November hakad geliyey doorashada dadban ee aqalka hoose kadib markii cabasho ay ka muujiyeen kuraasta gobollada Sool iyo Sanaag oo dhanka Somaliland jira.
Xarunta Jaamacadda PSU ee Garoowe ayeey ka dhici doontaa doorashada aqalka hoose ee Heer Puntland, waxaana la dooran doonaa dhowr kursi.




From the comments