Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta gebi ahaanba suuqii magaaladaasi uu xirmay kadib markii saansaan colaadeed laga dareemay magaalada.
Suuqa Darxumo iyo kan cirtoogtaha ayaa jirin wax shaqo ah oo maanta ka socoto waxaana isku muuqda ciidamo kala taabacsan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.
Wariyaha Goobjoog News ayaa soo sheegaya in magaalada Gaalkacyo colaadda laga dareemayo ay ka dambeysay kadib markii ciidamada labada maamul ay diideen in baabuurta wada shixnadaha ganacsi ay u kala gudbaan magaalada labadeeda dhinac Koonfur iyo Waqooyi.




From the comments