Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraamabada iyo dhammaan shacabaka Soomaaliyeed qaraxii maanta kooxada nabad diidka ay ka geysteen Muqdisho.
“Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi Raajucuun, qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan kaga tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay qaraxii maanta kooxha nabad diidku ka geysteen agagaarka dekadda Muqdisho, Waxaan Eebbe kaga baryayaa inuu janadii fardowso ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna Allaah caafimaad deg deg ah siiyo” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamadda Ammaanka inay iska kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxahahaani sida gaarka ah u bartilmaameydsanaya goobaha shacabka .




From the comments