Qarax aad u xooggan ayaa saakay ka dhacay nawaaxiga dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa qarxa ayaa lagu qarxiyey goob barxad ah oo kasoo horjeedda dekadda Muqdisho, halkaasi oo ahayd meel ay ka cunteeyaan muruq maalka dekadda Muqdisho.
Inta la xaqiijiyey 22 ruux oo u badan muruqmaalkii dekadda Muqdisho iyo haween halkaasi raashiin ku iibinayey ayaa goobtaasi ku dhintay iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.





From the comments