Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyey qaraxii argagixiso ee shalay ka dhacay magaalada Abbassiya dalka Masar.
Madaxweynaha ayaaa uga tacsiyadeeyey dowladda iyo Shacabka dalka Masar dadkii ku dhintay qaraxaasi aragagaxida ah. ” Waxaan ka tacsi murugo leh u dirayaa dhammaan shacaba iyo dowladda dalka Masar ee aan walalaha nahay ka dib qaraxii argagixso ee lagu beegsaday dad aan waxba galabsan”
Madaxweynaha ayaa sheegay in falalkaas argagixisada ah ee lala beegsaday dadkaasi uu yahay mid waxshinimo ah oo ka fog Diinta Islaamka iyo bani’aadannimada.




From the comments