Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu soo gabagabeeyo doorashada xubnaha aqalka hoose ee kusoo aadey beelaha dega deegaannada Puntland.
Ergada waxay maanta dooran doonaan 5 kursi oo ah kuwa ugu dambeeya ee doorashada aqalka hoose, iyadoo kuraastan haddii la doorto ay ka dhigan tahay in Puntland ay dhameystirtay xubnaha aqalka hoose kaga soo aadey ee 37-da ah.
Guddigga doorashada heer dowlad goboleed ayaa shalay magaalada Garoowe kaga dhowaaqay in maanta lasoo gabagabeyn doono kuraasta dhanka Puntland ku harsan.




From the comments