Dowladda Sacuudiga ayaa aad walaac uga muujisey qaraxyada shacabka waxyeellada u geysta ee ka dhaca magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaraxii Axadii ka dhacay nawaaxiga dekadda Muqdisho.
Kulan ay isugu yimaadeen wasiirada Sacuudiga ayaa waxay ku cambaareeyeen qaraxaasi, waxaana ay ku taliyeen iney aad u haboon tahay in laga hortago weerarada Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay wasiirada Sacuudiya oo saxaafadda uu akhriyey wasiirka warfaafinta dalkaasi Adel Al-Turaifi ayaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay in loo gurmado dadkii waxyeellada gasoo gaartay qaraxii Dekadda.




From the comments