Senator C/raxmaan Maxamed Faroole ahna musharrax u taagan xilka madaxweyne ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay inuu isaga haray tartanka madaxweyne ee Soomaaliya.
Faroole ayaa tilmaamay in warbaahinta qaar ay ka baahiyeen inuu isaga haray tartanka madaxweyne, wuxuuna sheegay iney taasi qeyb ka tahay ololaha lagu doonayo in musharraxiinta lagu kala reebo.
“Waxa la iga sheegay ee ah inaan isaga haray tartanka madaxtinimo waa waxbo kama jiraan, waxaan middaasi u arkaa in loogu adeegayo musharraxiinta qaar, ulajeed aan tartanka uga haro maba jiro” ayuu yiri Faroole.




From the comments