Taliska Booliiska Sh/dhexe Oo Ka Warbixiyey Amniga Guud Ee Gobolkaasi

Taliska ciidanka Booliiska ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka warbixiyey amniga guud ee gobolkaasi iyo sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah oo ciidamadu ka sameeyeen degmada Jowhar.
Taliyaha Qeybta Booliiska ee Shabellaha Dhexe, Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Cabdi oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in doorashooyinkii Labada aqal ee ka dhacay Jowhar kusoo dhammaadeen si amni ah,
Waxa uu tilmaamay taliyaha in sugista amniga ee gobolka Shabellaha Dhexe ay kala shaqeeyaan shacabka oo ciidamada la leh wada shaqeyn buuxda waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Shacabka ku dhaqan gobolka, gaar ahaan degmada Jowhar ayaa la shaqeeya ciidamada amniga, waxay noo soo sheegaan wax walbo oo ay dhib u arkaan, haddii dhaq dhaqaaq ay sameeyaan nabad diidka horey baan ka ogaannaa oo dad baa inoogu dhex jira, marka amniga guud ee gobolka waa mid wanaagsan, waadna la socotaa in si nabad ah lagu soo gabogabeeyey doorashooyinkii Labada aqal ee Jowhar ka dhacay” ayuu yiri taliyaha.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ka wadeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayey, xilli degmadaasi lagu soo gabagabeeyey doorashada xildhibaannada Labada aqal ee kusoo aadey Hirshabelle.
Goobjoog News