Qarax Miino ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.
Goob la sheegay iney maqaayad ahayd ayaa waxaa ka qarxay miino la tilmaamay in dhulka lagu aasey, waxaana halkaasi ku dhintey 5 ruux, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.
Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News in dadka dhintey ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka dowladda oo halkaasi ku sugnaa.




From the comments