Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.
Wararku waxay sheegayaan in abaare 11-kii fiidnimo ee xalay ay Al-shabaab weerar ku qaadeen degmadaasi, waxaana ka dhacay dagaal culus oo daqiiqado badan socday.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey 1 qof, iyadoo dhaawaca uu gaarayo 5 sida dadka deegaanka inoo sheegeen.




From the comments