U bood dhigaalka

Booliska Puntland Oo Amarro Amni Soo Saaray

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka booliska ee maamulka Puntland Jeneraal Cabdulqaadir Shire Faarax(Ereg) oo shir jaraa’id maanta saxaafadda ugu qabtay magaalada Garoowe ayaa soo saaray amarro cusub oo la xiriira ammaanka degaannada Puntland.

Wuxuu sheegay taliyaha in Puntland ay horey u mamnuucday baabuurta miyaaradaha madoow iminkana aan la ogalaan doonin.

Si loo sugo ammaanka ayuu sheegay in shirka jaraa’id ay u qabteen in shacabka iyo boolisku ay si wadajir ah ugu wada shaqeeyaan nabadgalyada gobollada Puntland.

“Horey Puntland waa ay u mamnuucday baabuurta miyaaradaha madoow, waxaa loo ogol yahay kaliya baabuurta ay isticmaalaan madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, qofkii kale oo lagu arko waxa weeye boolisku tallaabo ayuu ka qaadayaa, marka si loo sugo ammaanka waa in shacabkuna ay boolisku kala shaqeeyaan howlaha nabadgalyada lagu ilaalinayo” ayuu yiri taliyaha booliska.

Dhanka kale, taliyaha booliska Puntland Jeneraal Cabdulqaadir Shire Faarax ayaa u digey dhallinyarada ku howlan falalka amni darro.

Taliyaha ayaa sheegay in boolisku ay ku daba jiraan kuwa badan oo dhallinyaradaasi kamid ah islamarkaana gacanta lagu soo dhigi doono.

Amarradani maanta taliska booliska Puntland uu ka soo saaray magaalada Garoowe ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalinkii khamiista ee todobaadkii tegay magaalada Boosaaso lagu dhaawacay taliye ku xigeenkii Booliska Puntland Jeneraal Saxardiid oo u dhintay markii dambe dhaawac halis ah oo ay gaarsiiyeen dableey hubeysan kuwaasoo dilka kadib baxsaday.

Goobjoog News