Qoraal lasoo dhigey barta Twitter-ka ku leeyihiin guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ayaa lagu shaaciyey in maanta oo Isniin ah ay dhici doonto doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi, loona tartami doono Lix kursi.
Lixda Kursi ee maanta lagu tartamayo Saddex kamid ah waxaa u tartamaya oo kaliya haween sida ku cad warqadda ku xusan hab tartanka kuraasta aqalka hoose ee gobollada Waqooyi.
Dhanka kale qoraal kooban oo guddiga uu soo dhigey Twitter-ka waxa uu ku sheegay in doorashadii aqalka hoose ee Jimcihii ka dhacday magaalada Muqdisho loo aqoonsaday mid waxbo kama jiraan ah.






From the comments