Habeen kahor ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa qoriga baasuukaha loo yaqaano waxa ay ku dhufteen gaari nooca loo yaqaan Homey, kaasi oo qudaar usoo wadey dhanka magaalada Muqdisho.
Gaarigan ayeey ku gubeen AMISOM meel ku dhow degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose, waxaana muuqanaya waxyeellada soo gaartay shacabkii saarnaa gaarigan iyo qaabka uu u gubtay.
6-dii qof ee saarnaa gaariga oo Labo kamid ah ahaayeen Haween ayaa gabi ahaantoodba meesha ku gubtay, iyadoo sidoo kale gaariga iyo qudaartii saarneyd ay gubteen.





From the comments