Wafdi ay hoggaaminayso safiirka Ingariiska ee Soomaaliya gabadha lagu magacaabo Ms Harriet Mathews ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
Wafdigani waxaa kamid ah oo ku jira xubno ka tirsan Qaramada Madoobe waxaana loo galbiyay madaxtooyada maamulka Jubbaland ee Kismaayo.
Sida uu soo sheegayo wariyaha Goobjoog News ee Kismaayo waxaa aqalka madaxtooyada ka soconaya kulan ballaaran oo u dhaxeeya wafdiga safiirka Ingariiska ay hoggaaminayso Ms Harriet Mathews iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.




From the comments