Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, haatanna ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Farmaajo oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Shacab badan oo wata boorar lagu soo xardhay sawirka Farmaajo iyo sidoo kale erayo soo dhoweyn ah ayaa Farmaajo kaga hortagey bannaanka hore ee garoonka Aadan Cadde.




From the comments