Sare u kac ballaaran ayaa xiligaan waxaa laga dareemayaa qiimaha la kala siisto qudaarta cagaaran ee suuqyada degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgalduud.
Abaaraha ka jira gobolka Galgaduud iyo gobollo kale oo kamid ah dalka ayaa saameeyey qiimihii qudaarta ee degmada Dhuusamareeb, iyadoo taasi ay saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah.
Qaar kamid ah dadka ka ganacsada Qudaarta ee Suuqayada degmada Dhuusamareeb ayaa u sheegay Goobjoog News in Saddexdii maalinba mar la keeno qudaar, sababtuna waxay tahay beerihii ku dhowaa degmada Dhuusamareeb oo saameeyay abaarta iyo sidoo kale kuwa laga keeno gobolka Hiiraan oo aad u yar.




From the comments