Goobjoog

Sh/hoose: Waxgarad AMISOM Ka Dalbadey Magdhow

Waxgarad ku sugan gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan ehlada dadkii dhowaan ay ciidamo AMISOM ka tirsan ku laayeen gobolka Shabellaha Hoose waxay dalbadeen in magdhow laga siiyo dadkaasi la dilay.…

Sh/hoose: Waxgarad AMISOM Ka Dalbadey Magdhow
In this photo taken Friday, Aug. 29, 2014 and provided by the African Union Mission to Somalia (AMISOM) on Saturday, Aug. 30, 2014, African Union (AU) soldiers from Uganda gather as they prepare to launch an offensive against al-Shabab strongholds in the Lower Shabelle region of Somalia. Somali government troops fighting alongside AU troops drove the militants from a number of towns as part of their military offensive dubbed “Indian Ocean” aiming to oust al-Shabab from its last major hideouts in the southern parts of the Horn of Africa nation. (AP Photo/AMISOM, Tobin Jones)

Waxgarad ku sugan gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan ehlada dadkii dhowaan ay ciidamo AMISOM ka tirsan ku laayeen gobolka Shabellaha Hoose waxay dalbadeen in magdhow laga siiyo dadkaasi la dilay.

Qaar kamid ah waxgaradkan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay degdeg uga hadasho falkaasi, sidoo kalena ay AMISOM ku cadaadiso in magdhow bixiyaan.

Yuusuf Cali Yuusuf, waxa uu kamid yahay waxgaradka la hadlay Goobjoog News, ugu horreyn waxa uu sheegay iney aad uga xunyihiin falka ay ciidamada AMISOM ku laayeen dadka shacabka ah.

“Annaga aad baan uga xumaanay in shacabkeena la iska laayo, mid gaari lagu dilo iyo mid baabuur lagu gubo, sidaasi darteed waxaan ka dalbaneynaa dowladda Federaalka Soomaaliya in magdhow naga siiso dadkeena lagu laayey gobolka” ayuu yiri Yuusuf Cali.

Dhanka kale Nabadoon Axmed Hilaaal oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in AMISOM dalka aysan u joogin in ay shacabka dhibaateyso, loogana baahnaa in amniga shacabka ay sugto.

“AMISOM dalka looma keenin in dadka masaakiinta ah ay layso, shacabka iney badbaadiyaan bay ahayd, balse waxaan ku baaqayaa in aan laga seexan arrinkan oo degdeg wax looga qabto”

18-kii bishan ciidamo  ka tirsan AMISOM ayaa gaari ku jiirey 5 qof oo isku qoys ah gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo isla maalinkaa habeenkeediina 6 ruux ku dilay duleedka degmada Qoryooley kadib baasuuke ay ku dhufteen gaarigii ay saarnaayeen dadkaasi shacabka ah.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments