Goobjoog

Taliye Xaamud Oo Hambalyo u Direy Booliiska Soomaaliyeed

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa hambalyo u direy ciidamada Booliiska oo maanta u dabaaldegaya 73-sano guuradii kasoo wareegtay aas aaskooda. Taliye Xaamud ayaa sheegay…

Taliye Xaamud Oo Hambalyo u Direy Booliiska Soomaaliyeed

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa hambalyo u direy ciidamada Booliiska oo maanta u dabaaldegaya 73-sano guuradii kasoo wareegtay aas aaskooda.

Taliye Xaamud ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay yihiin saaxiibada Koowaad ee Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay xilli walbo u taagan yihiin difaaca shacabka.

Waxa uu taliyaha ku bogaadiyey ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iney Labo jibbaaraan howlaha muhiimka ah ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, isaga oo dhanka kale shacabka ka codsadey in ciidanka ay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkooda.

20-kii Diseembar 1943-kii ayaa la aas aasay ciidanka Booliiska Soomaaaliyeed, waxaana maanta ay ciidamadaasi u dabaaldegayaan 73-sano guuradii kasoo wareegtay aas aaskooda.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments