Sool Media Association ayaa noqonaya urur cusub oo maanta ay ku dhawaaqeen Saxafiyiinta ka howlgala gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, arrintaasi oo timid kadib shir ay saxafiyiinta halkaa ku yeesheen.
Faysal Jaamac Aadan ayaa sidoo kale goobta loogu doortay in uu noqdo guddoomiyaha ururka, halka xogheyaha ururkaasi loo dootay Cabdiraxmaan Cali Ducaale iyo dhaqaalaha ururka Mowliid Haradigeed.
Ururkan xubin kama aha Map, Solja iyo Nusoj midna, waxaa uu guddoomiyahooda horay u ahaan jiray gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Puntland Ee Map Sanadadii 2008 ilaa 2013, waxaa kaloo uu agaasime ka noqday Radio Laascaanood.




From the comments