U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Bari Oo Ku Dhowaaqey Howlgallo Amni Sugid Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaca ka qaadey in maalmaha soo aadan ay bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Boosaaso oo maalmahan dambe falal amni xumi ah ka jirtay.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka Boosaaso laga doonayo iney la shaqeeyaan ciidamada amniga, sidoo kalena aysan dhicin in qof dhib geystay uu baxsado.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in dilalkii ugu dambeeyey ee Boosaaso loogu geystay agaasimahii madaxtooyada iyo sidoo kale Taliye ku xigeenkii Booliiska Puntland ay dadkii ka dambeeyey baxsadeen iyadoo mas’uuliyiintaasi ay ag joogeen rag Bistoolado watey oo aan waxbo qaban waa sida uu hadalka u dhigaye.

Howlgallada ka bilaaban doona magaalada Boosaaso ayuu ku sheegay iney yihiin kuwo lagu soo qaban doono dhammaan dadkii ka dambeeyey dilalkii ka dhacay magaaladaasi Todobaadkan gudahiisa.

“Dadweynaha Puntland ee Reer Boosaaso waxaan u sheegaynaa ineysan ka argagaxin wixii ka dhacay magaalada, howlgal adag baa la galayaa, dadkuna waxaan rabnaa iney gacan naga siiyaan, dib yeesan u dhicin in argagaxisada ay fakato, mar kale yeesan dhicin in iyadoo rag bistoolado wato oo la jooga mas’uuliyiin in dil inta la geysto hadane la baxsado, annagane shaqo adag baan galeynaa shacabkana gacan haka geystaan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Boosaaso ayaa amni ahaan faraha kasii baxaysa, waxaana magaaladaasi ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Goobjoog News