Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Maal-gashiga dalka Urdun Dr Jawaad Al Canani ayaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal, maal-gashiga, iyo sidii wax looga qaban lahaa fikirka xagjirnimada ee caalamka Islaamka ka jirta.
“Urdun waa dal xidhiidh walaaltinimo naga dhaxeyo oo waqtigan ay tahay in aan iska kaashano maal-gashiga, waxbarashada, iyo sidii dhalinyarada xirfado shaqo loogu abuuri lahaa”.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa sidoo kale kala hadlay dhigiisa dalka Urdun sidii Soomaaliya ay uga faa’ideysan laheyd horumarka dhanka caafimaadka ee ay gaadhay dalka Urdun islamarkaana Soomaaliya ay u noqon karto albaab ay ka soo gasho Afrika.





From the comments