Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen siyasiyiin kasoo jeeda gobollada Waqooyi ee dalka ayaa waxay kasoo saareen mowqif cusub oo ku saabsan saamiga qeybsiga aqalka sare ee Baarlamaanka.
Waxaa kulankaan goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Camey, wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka Cadaaladda C/laahi Axmed Jaamac, Wasiirk Dekadaha Nuur Faarax, wasiirka Duulista Hawada Cali Axmed Jengeli iyo xildhibanno.
Qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in saami qeybsiga aqalka sare aaney ku qanci doonin wax ka yar (1/3 ama 30%) tiro walba oo xubnaha qalka sare noqdaan.






From the comments