Wararka saakay oo Sabti ah ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladdu guud ay tahay mid deggan, walow shalay magaaladaasi ka dhaceen is rasaaseyn u dhaxeysay ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug.
Ciidamadii shalay is rasaaseeyey ayaa weli lasoo sheegayaa iney isku horfadhiyaan xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo, iyadoo shacabka ay ka baqayaan in mar kale halkaasi lagu dagaallo.
Culimada iyo waxgaradka Gaalkacyo ayaa lasoo sheegayaa iney wadaan dedaallo ay ku doonayaan iney ku xalliyaan xaaladda kasoo cusboonaatey magaalada Gaaalkacyo.




From the comments