U bood dhigaalka

18 Kursi Oo Lagu Daray Xubnaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Kadib kulan hoggaanka madasha wadatashiga qaran ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu go’aamiyey in 18 kursi dheeraad ah lagu daro xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka.

Kuraastan ayaa baarlamaanka aqalka sare ka dhigi doona 72, maadaama horey ay u ahaayeen 54 kursi.

Maamullada kala ah Jubbaland, K/galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa loogu darey min 3 kursi, waxaana maamul walba uu aqalka sare ku yeelanayaa 11 kursi halka markii hore ay ku lahaayeen 8 kursi.

Somaliland iyo Puntland ayaa iyaguna waxaa loogu darey min Saddex Kursi, waxayna wadarta ay xildhibaannada aqalka sare ku yeelanayaan noqoneysaa min 14 mudane.

Madasha waxay go’aamisey in kuraasta dheeraadka ah ee lagu soo darayo aqalka sare ay soo magacaabayaan madaxweynayaasha maamullada, Somaliland waxaa soo magacaabi doona Ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, waxaana xeer madaxweyne kusoo saari doono dhammaan xubnaha lasoo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjoog News