Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa war-saxaafadeed uu soo saarey waxa uu ku shaaciyey cidda la siinayo Saddexda kursi ee lagu darey xubnaha aqalka sare ee matali doona Puntland.
Waxa uu Gaas ku dhowaaqay in Kuraastaasi la kala siinayo Beelaha Dhulbahante, Warsangeli iyo beesha Shanaad ee ku nool deegaannada Puntland.
Puntland ayaa aqalka sare waxa ay ka heshay 14, kadib kulan madashu ku yeelatay Muqdisho oo xubnaha aqalka sare lagu kordhiyey 18 kursi.




From the comments