War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sharaxaad dheeraad ah waxaa looga bixiyey kuraasta lagu muransan yahay ee aqalka hoose iyo sida guddiga uu u wajahay qaadista dacwadahaasi.
Guddiga ayaa sheegay in ay qabteen 21 dacwadood, oo inta badan u baahnaa caddeymo dheeraad ah iyo wareysi shakhsiyaad ay sheegeen in loo baahnaa in gobollada laga keeno, islamarkaana dedaal dheer kadib ay soo hareen 11-kiis oo uu guddiga sheegay iney u aqoonsadeen in dib loogu laabto doorashadooda.
Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warar aan sax ahayn oo ay tilmaameen in looga gudbiyey dhanka beesha caalamka.







From the comments