Taliyaha Booliiska Puntland Oo Kormeeray Saldhigyo Boolis Oo Ku Yaalla Mudug

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jeneneraa C/qaadir Shire Faarax (Ereg) oo Howlo shaqo u jooga Gobalka Mudug ayaa kormeeray Booliska ku sugan Deegaannada Beyra,Bursaalax iyo Degmada Galdogob oo ka wada tiran Gobalka Mudug
Taliyaha ayaa waxaa kormeerkiisa waxaa ku wehlinayey taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hoggaanka Taliska Booliska Puntland,kuwaas oo qayb ka ah tirakoobida Ciidamada Booliska Puntland.
Guddoomiyaha Degmada Goldogob Xasan Maxamed Faarax ( Ayaxle),Taliya qaybta Booliska Degmada Galdogob iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Taliyaha Booliska Puntland Jeneraal.Ereg ku so dhaweeyay Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay in kormeerkiisa Galdogob uu ku aadan yahay ogaanshaha tirade, tayada iyo xaaladda Booliska Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.
Sidoo kale,Taliyaha Booliska Puntland Jen.Erag ayaa Tilmaamay in shacabku Degmooyinku yihiin indhihii,Gacmihii iyo Lagahii ay boolisku ku howl-galayeen, sidaas daraadeedna lo baahan-yahay in la xoojiyo Xiriirka Bulshada Booliska Puntland.
Dhinaca kale,Taliyaha Booliska Puntland ayaa Xusay in uu Gobaladda Bari,Sool,Nugaal iyo Qaar ka mid ah Gobalka Mudug uu ku so arkay shacab iyo boolis isku xiran,Amaan wanaagsan Askar wadaniyiin ah oo u shaqaynaya Dalkooda hooyo.
Goobjoog News