Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in marnaba aanu maamulkiisa ku milmi doonin maamulka Somaliland oo dhowaan wada hadallo ay kula soo galeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Galeyr oo la hadlayey shacab reer Khaatumo ah ayaa tilmaamay in ulajeedkooda ay tahay oo kaliya sidii iyaga iyo Somaliland u noqon lahaayeen Labo maamul oo deris ah, islamarkaana wanaagga un ka wada shaqeeya amniga iyo horumarka.
“Maamulkayaga Khaatumo kuma milmayo maamul Somaliland la yiraahdo, haddii aan ku heshiinno waa inaan noqonno Labo maamul oo deris ah, cidda waxa badani ka maqan yihiin waa innaga, cidda dhimatey ee la dhacay waa innaga” ayuu yiri Galeyr.




From the comments