Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay iney qarxiyaan Miino la sheegay in la dhigey meel Maqaayad ah oo ku dhow Isgoyska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Dad ku sugnaa goobta Miinada la dhigay ayaa la sheegay in ciidanka ay wargeliyeen, iyadoo durba halkaasi ay tageen ciidamada dowladda, islamarkaana dadkii ka kala eryey nawaaxiga halka miinada ay taallay.
Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in markii dadka shacabka ahaa halkaasi laga eryey kadib Miinada la qarxiyey, mana jiro wax khasaare ah oo halkaasi ka dhashay.




From the comments