Somaliland: Booliiska Oo Soo Bandhigay Rag Dhaawacyo Gaarsiiyay Mas’uuliyiin Mucaarad Ah
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Cabdulaahi Fadal IImaan ayaa soo bandhigay magacyada laba nin oo lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen dhaawacyo kala duwan oo magaalada Hargeysa loogu geystay laba masuul oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Labada mas’uul ee xisbiga Waddani ka tirsan ee dhaawacyada loo gaysay oo kala ah xog-heyaha xisbiga Barkhad Jaamac Batuun iyo guddoomiyaha garabka dhallinyarada Maxamed Sidiiq Dhammeayaa wax yeelada loo gaystay xoghayuhu uu sii daran yahay , iyada oo laba habeen oo kala dambeeyey midkasta gaarkiisa loo beegsaday .
Taliyaha ciidanka Booliska maamulka Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay waxa uu marka hore sheegay in ay boolis ahaan cambaaraynayaan faalkaasi oo uu ku tilmaamay inuu heer ka sii halis badan uu u gudbi karo haddii aan wax laga qabin waxaanu soo bandhigay labada magac ee Khaliif Axmed Cali Cabdikariim Cabdilaahi Rigaax inay yihiin ragga loo tuhunsan yahay inay falalkaasi ka dambeeyeen iyaga oo intaasna ku daray inay maxakamada la hor keeni doono.
Taliye Fadal ayaa intaas ku daray in sidoo kale ay sii baarayaan cid kale oo falkan qayb ka ahayd
“ labada nin ee xisbiga Waddani ka tirsan waxa loo gaystay dhaawacyo halis ah oo dhimasho sababi gaaray , waa arrin Somaliland ku cusub oo fal ahaan halis ah, waanu soo qabanay oo maxakamada ayaanu gaynaynaa labadii nin oo midkood ahaa nin hore taleefan uga soo hanjabay, sidoo kale waanu ku daba jirnaa nin kale iyo cidkasta oo qayb ka ahaan karta falkan “ ayuu yiri taliyaha booliska Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan.
Falalka dhaawacyada loogu gaystay labada masuul ee ka tirsan xisbiga Waddani oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa xisbigu waxuu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen xisbiga talada haya ee Kulmiye kaasi oo xifaaltan siyaasadeed oo xoogani ka dhexeeyo inkasta oo iyaga laftoodu iska leexiyeen arrintaasi.
Somaliland kuma badna falalka lagu beegsanayo siyaasiyiin oo wali taagan heerka waxyeelo jirka ah balse dadka siyaasada iyo hay’adaha amniga shaqada ku leh waxay sheegayaan in ka dib markii labadan fal dheceen ay horseedi karaan in falal kale ay dad ku dhiiran karaan.
Goobjoog News