Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray isbitaalka Martini ee ciidammada Naafada ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaashaandiga, wasiir ku xigeennada Caafimaadka iyo Gaashaandhiga, Taliyaha Ciidanka XDS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabada xarig jarista.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo kormeeray qeybaha cusub ee lagu kordhiyey Isbitaalka iyo qalabka casri ah ee la keenay Isbitaalka, tanoo dabooli doonta baahida dhanka caafimaadka ee baahida weyn loo qabo. Isbitaalka Martini oo ah mid qadiimi ah oo magac weyn ku leh dalka ayaa waxaa uu si siman ugu adeeggi doonaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidammada Qalabka Sida guud ahaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey ciidammada XDS, Hay’adda Iida, hey’adihii gacan siiyey iyo dowladda Talyaaniga, sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in muhiim ay tahay isku tashiga bulshada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mudnaan gaar ah la siiyo ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed.





From the comments