Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay howlgallo ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib dagaal maalin kahor ka dhacay degmadaasi.
Wararka waxay sheegayaan in ciidamada ay guri guri u baarayaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye, iyadoo maanta uu yar yahay dhaq dhaqaaqii dadweynaha ee degmadaasi.
Goobjooge ku sugan degmada Afgooye ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamo badan oo dowladda ah lagu arkayo xaafadaha degmada Afgooye qaarkood.




From the comments