Weerar ka dhacay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 35 qof, waxaana ku dhaawacantay 40 kale ka dib markii qof hubeysan uu weerar uu ku qaaday meel lagu caweynaayey oo ku taalla magaaladaasi .
Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay meel lagu magacaabo Reina oo ku taalla deegaanka Ortakoy oo ah meel ay deganyihiin dadka dhaqaalaha haysta, waxaana ka socatay xaflad loogu dabaaldegaayey soo dhaweynta sanadka cusub ee 2017 .
Duqa magaalada Istanbul Haashim ayaa waxa uu sheegay in guud ahaan weerarka uu geestay 35 dhimasho ah iyo dhaawac farabadan waxa uuna ku tilmaamay weerarkaasi mid argagixiso waxa uu intaas ku daray in dadka dhintay uu ku jiro mid ka mid ah saraakiisha booliska ee wadanka Turkiga .




From the comments