Wararka ka imaanaya gobolka NFD ayaa waxay sheegayaan in dowladda Kenya ay ciidamo dheeraad ah geysay gobolkaasi gaar ahaan magaalada Mandhera iyo sidoo kale xadka aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya.
Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tani ay uga golleeyihiin sidii loo xoojin lahaa adkeynta amniga Mandhera iyo deegaannada kale ee NFD.
Waxay saraakiishan ku sheegeen iney hayaan macluumaad ku aadan weeraro ay Al-shabaab la damacsan tahay deegaanno ka tirsan NFD.




From the comments