Guddoomiyeha KMG Ah Ee Aqalka Sare Maxamed Xuseen Raage oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in xildhibaanna aqalka sare ay ansixin doonaan miisaaniyadda mishaaraadkooda kulanka ugu horeeya ee xiga marka ay guddoon rasmi ah doortaan, isla markaana bishan ugu horreysaba Xildhibaannada ay mishaarkooda heli doonaan.
Mr. Maxamed Raage ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayey sababta Xildhibaannada aqalka sare ay weli shiri la’yihiin waxaa uu yiri :“Waxaan kullamada u hakiney waxaynu sugeynaa doorashada aqalka sare ee gobollada waqooyi taas oo todobaadkan la soo gabagabeyn doono”.
Dhinaca Raage waxaa uu ka Hadley ajandaha horyaallada aqalka sare kullamada ugu horeeya, isagoo sheegay in ay ka mid yihiin doorashada guddi doorasho guddoonka, doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa, doorashada guddi hoosaadyo iyo ansixinta arrimo ay ka mid yihiin miisaaniyadda aqalka sare.




From the comments