Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay arrimo badan oo maamulkiisa uu qabtay sanadkii tagay ee 2016, isaga oo sheegay in sanadkaasi ahaa mid Soomaalida ugu hadal hayn badan tahay.
Axmed Madoobe ayaa sheegay Sanadkii tagay ay ku guuleysteen in ay dhisaan xukuumad dib u heshiisiin oo Jubbaland ah iyo isku keenidda beelaha dega deegaannada maamulka Jubbaland, ayna sidoo kale u diyaar garoobeen la wareegista deegaannada Al-shabaab ay gacanta ku hayaan.
“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan qabannay ayaa waxay ahayd in aan dhisno xukuumad dib u heshiisiin ah iyo isku keenidda beelaha dega Jubbaland, waxaa jiray u diyaar garowga xoreynta deegaannada maqan iyadoo laga duulayo, in la diyaariyo ciidamo Tayo leh oo xoreeya dhulka ka maqan gacanta Jubbaland”




From the comments