Qoysas badan oo kasoo barakacay abaaraha ka jira deegaanno kamid ah gobolka Sool ayaa deeq raashiin ah loogu qeybiyey deegaanka Kalbardaaley, iyadoo raashinkan loo qeybiyey qof walba oo kusoo barakacay deegaankaasi.
Sheekh Saciid Cadare oo kamid ah guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka Sool ayaa u sheegay warbaahinta in raashinkan ay siiyeen in ka badan 200 oo qoys, islamarkaana dadku ay ka faa’ideysteen.
Waxa uu tilmaamay in dadka raashinka loo qeybiyey qaarkood ay kasoo barakaceen gobolka Sanaag, halka dadka qaarka ay ka yimaadeen baadiyaha gobolka Sool.




From the comments