Muhaajiriin Afrikaan Ah Oo Doonaya Iney Ka Gudbaan Xadka Morocco Iyo Spain
In ka badan 2000 oo muhaajiriin Afrikaan ah ayaa waxay doonayaan iney ka tillaabaan xadka u dhaxeeya wadamada Morocco iyo Spain si ay ugu gudbaan qaaradda Yurub .
Madaxda dowladda hoose ee dalka Morocco ayaa waxay sheegeen in ciidamada Amaanka oo kusugan xadka kala qeybiyo Labada wadan iyo muhajiriintaan uu iska horimaad u dhexmaray, waxa ay intaas ku dareen in Labo ka mid ah dad muhaajiriinta ay ka gudbeen xadka ka xudbeen iyagoo waxyeello ay soo gaaraty.
Xarunta cillmi barista ee Sabta oo ku taallo Morocco ayaa waxay sheegaty in dadkaan muhaajiriinta ah 1100 oo ka mid ah iney kasoo jeedaan koonfurta qaaradda Africa halka inta kale ay soo jeedaan waqooyiga iyo bartamaha qaaradda Africa.
Darbiga u dhaxeeyo xuduudda kala qeybiyo Morocco iyo Spain ayaa waxa uu gaaraa dhirir ahaan 6m, waxa ayna ku biimeeyaan dadka tahriibayaasha ah naftooda iyagoo isku daya iney ka boodaan darbiga.
Goobjoog News