Qarax aad u xooggan islamarkaana Ismiidaamin ah ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir gaar ahaan dhabarka dambe ee Soomaali Airline.
Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxan uu ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, waxaana dhanka kale la sheegayaa in gaarigan uu ku qarxay bar Koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxan ayaa ahaa mid dhowaqiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo weli aan la ogeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay.




From the comments