Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu geeriyoodey taliyahii ciidamada dowladda ee deegaanka Yurkud oo ka tirsan gobolka Gedo kadib dagaal ka dhan deegaan ku dhow degmada Luuq.
Taliyaha ayaa lagu magacaabayey Xasan Luuq waxaana isaga iyo ciidan la socday oo kasoo amba baxay deegaanka Yurkud kuna soo dhowaa degmada Luuq jidka u galay dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado socday.
Taliyaha saldhigga Booliiska degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil ayaa u sheegay Goobjoog News in halkaasi uu ku dhintay Taliyaha degmada Yurkud iyo sidoo kale mid kamid ah ilaaladiisa.




From the comments