Dalka Brazil xabsi ku yaalla waxaa ka dhacay rabshado waxaana la xaqiijiyey in halkaasi ku dhinteen dad gaaraya 60 qof.
Xabsigan ayaa ku yaalla Gobolka Amazon ee dalka Brazil, iyadoo wararka ay sheegayaan in rabshadahaan ay ka dhex dhaceen xabsiga xalay taasna ay sababatay in ay dhintaan dadkan, sidoo kale maxaabiista qaar ayaa waxay ka boodeen darbiyada xabsiga.
Sidaan oo kale dalka Brazil waxaa ka dhacay October,18, 2016 rabshado ay dhiig ku daateen kuwaas oo ka dhacay Saddex xabsi oo ku yaallo wadankaasi kuwaas oo ay qaar baxsadeen maxaabiistii ku jirtay.




From the comments