Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaan qiyaastii 25-km u jira degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar kusoo qaadeen fariisin ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda, waxaana la isku adeegsaday hub culus.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyadoo weli lasoo sheegayo in halkaasi laga maqlayo rasaas goos goos ah oo Labada dhinac ay is weydaarsanayaan.




From the comments