Guddiyada Nabadeynta Gaalkacyo, maamullada Puntland Iyo Galmudug ee gobolka Mudug, Waxgarad iyo Odoyaal dhaqameed ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxay kaga hadleen sidii loo amba qaadi lahaa dhameynta waxyaabaha ku horgudban nabadda Gaalkacyo iyo dhameystirka fulinta heshiisyadii la gaaray.
Ugu horreyn waxaa kulankaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug C/rashiid Xaashi Cartan iyo Dhiggiisa dhanka Puntland Xasan Maxamed Khaliif, waxaana ay sheegeen in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa heshiiyadii la gaaray.
Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ayeey ugu baaqeen in laga wada shaqeeyo amniga iyo sidoo kale derisnimada, islamarkaana muhiim ay tahay in dadka Gaalkacyo dib loo mideeyo.




From the comments