Ciidamada Booliiska ee Koonfurta Sudan ayaa xabsiga dhigey Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen in ay dhac ka geysteen dalkaasi.
Afhayeenka Labaad ee ciidamada Booliiska Koonfurta Sudan, Santo Domic ayaa saxaafadda u sheegay in ay xabsiga dhigeen 26 qof oo qaarkood ay Soomaali yihiin, kuwaasi oo looga shakisan yahay in habeenkii loo dabaaldegayey Sanadka Cusub ay kamid ahaayeen koox dhac ka geystay dalkaasi.
Waxa uu sheegay Afhayeenka iney wadaan baaritaan islamarkaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan dhammaan dadka ay hayaan maxkamad soo taagi doonaan.




From the comments