Taliyaha guud ee ciidamada Uganda oo isniintii booqasho sadex maalin ah ku yimid magaalada Muqdsho ayaa ku booriyey madaxda Soomaalida iney wax ka qabtaan arrimaha ammaanka.
Katumba Wamala waxaa uu sidoo kale ku baaqay in la dhiso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay AMISOM ugala wareegaan amniga dalka.
Dhankiisa Cusman Nuurr Subagle, Taliyaha ciidamada AMISOM waxaa uu ballan-qaadeyn in AMISOM ay sii wedi doonto soo celinta amniga iyo kala dambeynta iyo iney si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya.




From the comments