Warbixin: Imisa Ayaa Lagu Dilay Soomaaliya 2016kii

Sanadkii 2016-da ee dhammaadey waxaa Soomaaliya ka dhacay dhacdooyin naxdin lahaa, celcelis ahaan magaalada Muqdisho oo keliya waxaa ka dhacay 2 qarax oo ismiidaamin ah bishiiba.
Goobjoog News, waxaa ay diin-waangelisay inta badan dhacdooyinkaas, dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaa ay ku guul-dareysteen bad-baadinta dadka rayidka, arrintaas oo culeys badan saari doonta dowladda soo socota iyo isbadalka ay muhiimka tahay in uu dalka ka dhasho.
Dhacdooyinkaas waxaa ay ka dhaceen:
Muqdisho: The Village, Liido, Daalo, Goroonka, Hotel SYL, Xarunta Gaadiidka Booliska, maqaahida Rajo, Visha Governo), Fiisha Taraafiko, Maqaahi ku taallo Cali Kamiin, Hotel ambassador, Hotel Naasahablood, xerada Xalane, CIDda, SKY Plue, Suuqa beerta ee degmada Waaberi, Dekadda
Qaraxyo Gobollada ka dhacay:Baydhabo, Baladweyn, Garbahaarey, Suuqa Afgooye, Galkacyo iyo magaalooyin kale.
Waxaa kaloo jiray dilal qorsheysay oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, dad la shaqeeya hey’adaha caalamiga iyo dad kale oo rayid ah.
Halkan ka akhriso shaxda oo Dhameystiran:
NO | Gobolka | Dhaawacyo | Dhimasho |
1 | Banaadir | 423 | 307 |
2 | Gedo | 56 | 46 |
3 | Galgaduud | 89 | 106 |
4 | Shabbellaha Hoose | 84 | 215 |
5 | Toghdher | 1 | 1 |
6 | Shabeellada Dhexe | 29 | 54 |
7 | Jubbada Dhexe | 2 | 17 |
8 | Jubbada Hoose | 15 | 68 |
9 | Bakool | Lama yaqaano | 38 |
10 | Bay | 91 | 107 |
11 | Hiiran | 46 | 237 |
12 | Gobolka Bari | 8 | 16 |
13 | Mudug | 95 | 147 |
14 | Waqooyi Galbeed(Hargeisa) | Lama yaqaano | 51 |
15 | Sool | 4 | 13 |
Total: 943 | Total: 1,423 | ||