Xasan Sheekh Oo La Kulmay Taliyaha Ciidamada Ugu Badan Ku Leh AMISOM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulmey General Edward Katumba Wamala oo ah taliyaha ciidamada melitariga ee Uganda.
Xasan Sheekh iyo General Edward Wamala ayaa ka sheekeystay kaalinta ciidamada Uganada ee AMISOM, sugidda ammaanka iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashada dalka ka socota.
General Edward Katumba Wamala waxaa uu madaxweynaha u ballan-qaadey in ay sii wadayaan taageerada military ee ay siiyaan dalka Soomaaliya.
Sabtiidii dalka Mareykanka ayaa saanad militari waxaa uu siiyay dalka Uganda, taasi oo sida la sheegey qeyn ka ah taageerada ay Washinton siiso dalalka AMISOM ka tirsan.
Dalka Uganda ayaa bishii June ee sanadkii tagey waxaa uu sheegey in ciidamadooda ay kala baxayaan Soomaaliya 2017-ka sababo ay ka mid ahaayeen mishaar la’aan iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya.
Tirada Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya:
Uganda: 6,223 oo ciidan
Burundi: 5,432 oo ciidan
Ethiopia: 4,395 oo ciidan, waa inta diiwaangeshan
Kenya: 3,664 oo ciidan, waa inta diiwaageshan
Djibouti: 2,000
Goobjoog News