Ugu yaraan 25 ayaa ku geeriyootey duqeymo ka dhacay waqooyiga dalka Syria taas oo lala beegsaday saldhig Miltari oo ay ku lahaayeen Ururka Fatxullaahi oo halkaasi ku yaallo.
Ururka u ololeyo kooxaha mucaaradka Syria oo xaruntiisu tahy magaalada London ee wadanka UK ayaa waxa uu sheegay induqeymo badan ay ka dhaceen magaalada Idlib oo ay gacanta ku hayaan daacish , waxa ay intaasi ku dareen in duqeyntaasi ay ku dhinteen hoggaamiyeyaal sarsare oo ka tirsan ururka daacish balse aan hadda magacyadooda aan si dhab ah aan loo ogeyn .
Ururka Fatxullahi sham ayaa waxa uu sheegay in duqeynta loo geystahy saldhigooda ay ka dambeen mareykanka iyo Ruushka.




From the comments