Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Koontaroolka Koonfureed ee degmada Jowhar, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.
Ugu yaraan 3 qof ayaa dagaalkaasi ku dhaawacantay, waxaana wararku ay sheegayaan in la isku adeegsaday rasaas xooggan.




From the comments